Lionel Messi Oo 3 Rikoodh Oo Cajiib Ah Dhigay.

0
129

Baydhowy(Raathiyow Arlaathi)Xiddiga xulka qaranka Argentina ee Lionel Messi ayaa sii wada qaab ciyaareedkiisa cajiib ah waxana uu dhigay laab rikoodh qaybtii hore ee kulanka Croatia.

Lionel Messi ayaa intii ayna ciyaartu bilaabanba bar-bareeyay rikoodhka xiddiga reer Germany ee Lothar Matthaus.

Messi ayaa kulankii 25-aad ka soo muuqday koobka adduunka waxana uu sidaas ku bar-bareeyay rikoodhka Halyeeyga Lothar Matthaus kaas oo 25 kulan saftay.

Messi iyo Lothar Matthaus ayaa haatan ah xiddigaha kulamada ugu badan ciyaaray taariikhda koobka adduunka.

Sidoo kale Lionel Messi ayaa gool u dhaliyay xulkiisa qaybtii hore kadib markii rikoodhe loo dhigay.

Messi ayaa sidaas darteed noqday xiddiga ugu goolasha badan taariikhda xulka qaranka Argentina ee koobka adduunka isaga oo dhaliyay 11 gool.

Waxa intaas sii dheer in uu Lionel Messi dhaliyay ama caawiyay 13 gool tartamo kala duwan oo koobka adduunka ah waxana uu la bar-baro yahay Halyeeyga reer Brazil ee Ronaldo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here