Libaax magaalo ku dhex fakaday

0
133

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Libaax qaanqaar ah oo ka soo baxsaday gaari gaar loo leeyahay oo uu saarnaa ayaa ku dhex fakaday waddo aad u saxmad badan oo gawaaridu madaxa iskula jiraan, magaalada ku taalla koofurta Pakistan ee Karachi maalmo ka hor, arrintaana waxay keentay naxdin iyo anfariir muddo laba saacadood ah, ka dor inta aan dib loo qaban, sida ay boolisku sheegeen.

Libaaxa waxaa gaariga ku waday qofkii lahaa markii uu ku dhex fakaday magaaladaas dekedda leh saacadaha ay dadku waddooyinka aadka u isticmaalaan sida booliska laga soo xigtay.

“Koox naga mid ah ayaa halkaa degdeg u gaadhay. Ilaah baa mahad leh, hadda gacanta ayaan ku haynaaisagoo bed qaba, mana jirto cid khatar ku jirta” ayuu yiri kormeere Mukhtyar Soomro oo ah kormeere ka tirsan ilaalada duurjoogta.

Libaaxa baxsaday ayaa galay dabaq dhulka hoostiisa ah oo ku yaalla disme halkaa aan ka fogeyn, laakinse ka hor intii uusan dabaqa gelin ayuu muddo gaaf wareegayey waddada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here