Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Weeraryahanka Bayern Munich ee Lewandowski ayaa ka talaabsaday rikoor u yiily Gerd Müller, waxa uu noqday gool dhaliyaha taariikhiga ee kooxdaas ee tartamada Yurub.
Munich ayaa xalay 5 gool ku garaacday Benfica waxa ayna wada ciyaareen kulan wareegga 4-aad ee Group-yada Champion-ka ah.
Lewandowski ayaa kukankaas dhaliyay sedex gool waxa uuna kaga sara maray sedexleeydaas xiddigii hore Munich ee Gerd Müller.
Ka hor kulankaas Gerd Müller ayaa ahaa gool dhaliyaha taariikhiga ee kooxdaas ee Champion-ka isaga oo lahaa 62 gool balse sedexleeydaas waxa ay wiilkaan reer Poland gaarsiisay 65 gool oo uu rikoorkaas ku jibiyay .
Lewandowski ayaa haatan haya hogaanka gool dhalinta Champion-ka ee xilli ciyaareedkaan , 8 gool ayuu leeyahay ka dib 4 kulan waxa uuna ka hor maray Mohamed Salah oo leh 5 gool.