Leicester City oo hoggaanka u qabatay horyaalka Premier League

0
313

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Leicester City ayaa garoonkeeda King Power guul kaga gaartay kooxda Chelsea, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulamada horyaalka Premier League ee dalka England.

Qeybtiii hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Leicester City.

Daqiiqadii 6-aad Leicester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay xiddigooda Wilfred Ndidi, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Harvey Barnes.

41 daqiiqo James Maddison ayaa ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxdiisa Leicester City, iyadoo uu goolkan uu si qurux badan u caawiyay Marc Albrighton.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 oo ay Leicester City kaga adkaatay kooxda Chelsea oo marti ugu aheyd garoonka King Power, Leicester ayaana si ku meel gaar ah hoggaanka ugu qabatay horyaalka Premier League, iyagoo leh 38 dhibcood waxayna 1 dhibic ka sara mareen Manchester United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here