Lautaro Martinez oo hal tallaabo u jira ku biirista kooxda Barcelona

0
292

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Wargeyska La Gazzetta Dello Sport ayaa  boggiisa hore ku soo daabacay in kooxda Inter Milan iyo laacibkeeda Lautaro Martinez ay isku raaceen go’aan farxad galiyay Barcelona oo ah inay u ogolaatay in laacibkeeda uu xagaagan ka tagi karo.

Waxa uu wargeyska ka soo baxa dalka Talyaaniga ku warramayaa inuu Martinez ka codsaday kooxdiisa inay u fasaxaan ku biirista Barca, maaddaama uu dalab muhiim ah ka helay, inkastoo uu u balan qaaday inuu dadaalkiisa oo dhan kooxda galin doono haddii suuro gali waayo qorshaha uu ugu wareegayo dhanka kooxda ka ciyaarta horyaalka La Liga.

Barcelona, Inter iyo Lautaro ayaa dhammaantood fahansan inuu heshiiskan hir galayo, inkastoo aysan jirin wali heshiis rasmi ah oo ay labada koox isku raaceen, balse Nerazzuri ayaa aqbashay inay weeraryahankeeda fasaxdo.

Dhowaan ayay ahayd markii majaldda Spain kasoo baxda ee SPORT  ay baahisay in weeraryahanka reer Argentina uu heshiis shan sano ah, misena uu ku qaadanayo 12 milyan oo euro sanadkii la gaaray kooxda Barca.

Si kastaba ha ahaatee, in Barcelona ay ku guuleysato saxiixa Lautaro Martinez waxaa kaga harsan kaliya inay la heshiiso kooxda Talyaaniga ka dhisan.

Labadan kooxood ayaa hadda ka fikiraya kusoo laabashada ciyaaraha horyaallada, iyadoo Barca toddobaadka dambe ay la balansan tahay kooxda Real Mallorca, halka horyaalka Serie A dib loo billaabi doono toddobaad kaddib marka kooxda Macallin Quique Setien ay ciyaarto kulankeeda ugu horreeya ee horyaalka La Liga marka dib loo amba qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here