Lammaane da’ ah oo si lama filaan ah Instagram caan uga noqday

0
327

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Hsu Hsiu iyo seygeeda Baaba Wan Ji oo ah lamaano da’ah islamarkana ku nool magaalada Taichung ee Taiwan ayaa caan ka noqday barta sawirada la soo dhigo ee Instagram-ka kadib markii lamaanahan uu wiilkooda ku qalqaaliyay inay sawiradooda soo dhigan Instagram-ka.
Waxayna lammaanuhu caan ku yihiin sawirro ku habboon xayasiiska goobaha dharka lagu maydho iyaga oo labbiskooduna yahay mid iska caadi ah.
Muddo 70 sana ah Maama Hsu Hsiu iyo Seygeeda Baaba Wan Ji waxay dhar ku meyri jireen doobbi ku yaalla magaalada Taiching.
Wiilkooda Rif Chang ayaa waalidkiis ku qanciyay inay dharka loo keeno ee laga tagay ku galan sawiro kadibna soo dhigan barta Instagram-ka.
Arintan ayaa si weyn u soo jidatay dad badan oo isticmaala baraha bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here