Lacazette Oo Qaatay Go`aan La Xariira Mustaqbalkiisa Arsenal

0
266

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Ingiriiska ayaa sheegaya in xiddiga Arsenal ee Alexandre Lacazette uu qaatay go`aan ku aadan mustaqbalkiisa kooxdaas

Waxaa dhawaan soo baxayay xogo mugdi gilinaya mustabqalka laacibkaas ee Arsenal gaar ahaan iyadoo labada dhinac weli isla meel dhigin saxiiixa hishiis cusub.

Alexandre Lacazette ayaa lala xariirinayaa in uu ka tagayo kooxdaas waliba ay suura gal tahay in uu u wareego kooxda Atletico Madrid .

Wargeyska Daily Star ayaa sheegaya in Alexandre Lacazette uu saaxibo ku dhaw ku war giliyay in uu diyaar u yahay in uu wareego Atletico Madrid waliba uu xusay in uusan farxad ku dareemeyn haatan kooxda Arsenal .

Alexandre Lacazette ayaa dagaal ugu jira in boos joogta ah uu ka helo kooxdaas waana midda uu ka weysan yahay Arsenal .

Waxaa la leeyahay kaliya waxa uu Alexandre Lacazette sugayaa in saaixbkiisa Aubameyang uu saxiixo hishiiska ka dibna uu baxayo .

Alexandre Lacazette ayaa sanadkii 2017-ka u dhawaa in uu u wareego Atletico Madrid ka hor inta uusan ku biirin Arsenal oo uu waqtigaas uga soo wareegay Lyon .
Qiimaha Alexandre Lacazette ugu wareegi karo Atletico Madrid ayaa gaaraya ilaa 30 milyan oo gini

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here