Labada laacib ee illaa iyo haatan baasaska ugu badan ka sameeyey horyaalka Premier League oo la shaaciyey

0
309

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Waxaa la shaaciyey labada laacib ee illaa iyo haatan baasaska ugu badan ka sameeyey hroyaalka Ingiriiska ee Premier League, kaasoo hadda ku jira xaallad xannibaad ah oo ku aaddan Coronavirus.

Labo ciyaaryahan oo ka kala tirsan kooxaha Liverpool iyo Manchester City ayaa ah labada xiddig ee baasaska ugu badan ka sameeyey illaa iyo hadda horyaalka Premier League.

Rodri ayaa dhammaystiran 1995-baas illaa iyo haatan xilli ciyaareedkan, waana ciyaaryahanka labaad ee ugu badan dhanka baasaska ilaa iyo hadda horyaalka Premier League.

Laacibkan khadka dhexe ee Man City, Rodri ayaa dhammaystiran illaa iyo hadda xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League 1995 baas, sidaas oo ay tahayna waxa uu ku jiraan kaalinta labaad.

Kaliya difaaca kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa ku dhammaystay meel ka sarreysa Rodri dhanka baasaska horyaalka Premier League illaa iyo haatan, waxaana difaacan reer Holland uu sameeyey kal ciyaareedkan horyaalka 2,478 baas.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here