Laba Koox Oo Premier League Ah Oo Real Madrid Wax Ka Waydiiyay Helitaanka Saxiixa Achraf Hakimi

0
320

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxaha chelsea Iyo Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay Real Madrid wadahadalo kala qaateen helitaanka xiddiga Achraf Hakimi.

Xiddiga 21 jirka ah ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay 2-dii sano ee uu Amaahda kula joogay kooxda Borussia Dortmund isaga oo dhaliyay 5 gool 10 caawina sameeyay xilli ciyaareedkan.

Daafaca ayaa la filayaa in uu ku laabto kooxda Real Madrid xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan laakiin kooxo badan oo reer yurub ah ayaa doonaya saxiixa Achraf Hakimi.

Wargayska 90Min ayaa sheegaya in ay Dortmund ku rajo weyntahay in ay si toos ah ula wareegto xiddiga laakiin waxa ay tartan adag kala kulmaysaa kooxo badan.

Isla wargaykska ayaa sheegaya in ay kooxah Man City & Chelsea haatanba la xidhiidheen dhigooda Real Madrid iyaga oo wax ka qaydiyay xiddiga da’yarka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here