Laba duuliye oo ka tirsan shirkadda diyaaradaha Air France oo shaqada laga joojiyay.

0
185

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Laba duuliye oo ka tirsan shirkadda diyaaradaha Air France, ayaa shaqada laga joojiyay, kadib markii ay ku dhex dagaalameen qolka duulista ee diyaaradda, taasoo sameynaysay duulimaad isaga kala gooshaya magaalooyinka Geneva illaa iyo Paris.Sidaasi ayaa waxaa sheegtay shirkadda diyaaradaha Air France.

“Duulimaadka ayaa lasii wadey, iyadoo si badqab leh ku dagtay diyaaraddii, khilaafkuna ma saameyn waqtigii ka harsanaa duulimaadka, ayuu yiri sarkaal katirsan shirkadda.

Wuxuu intaa ku daray in shirkadda ay ka go’an tahay badqabka rakaabka iyo diyaaradahaba.

Wargeyska La Tribune ee kasoo baxa dalka Switzerland, ayaa sheegay in duuliyaha iyo kaaliyaha duuliyaha uu muran dhex maray, wax yar kadib markii ay diyaarada cagaha dhulka ka qaadey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here