Kumannaan qoys oo ku barakacay fatahaad uu sameeyay Webiga Shabeelle

0
260

Sida uu sheegay maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa kordhay khasaaraha hantiyeed iyo saamaynta nololeed ee ka dhalatay fatahaadda uu sameeyay wabiga Shabeelle oo ku fatahay ilaa 92-tuulo oo hoos yimaada degmooyinka Balcad iyo Jowhar

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda ahna ku simaha gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe Maxamed Cabdi Sheekh Xaandow oo u warramay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in ay fatahaadda wabiga ku barakaceen in ka badan 244-kun oo Qoys.

Khasaaraha ka dhashay fatahaadda Webiga ayaa waxaa kamid ah inuu baabi’iyay dhul beereed badan oo ay ka baxayeen dalagyada Sisinta, Galleeyda, Bariiska, Digirta iyo khudaarta nuucyadeeda kala duwan.

Qaar kamid ah barkacayaasha ayaa la sheegayaa in ay u soo barakaceen agaalada Muqdisho.

Maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in ay weli jirto cabsi weyn oo laga qabo inay fatahaaddu gaarto deegaano kale iyada oo wadooyinka qaar ay biyo lixaad leh xireen.

Webiga Shabeelle ayaa horay ugu fatahay deegaanno ka tirsan deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here