Kumanaan muslimiin ah oo maanta taagan banka Carafo.

0
427

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kumanaan xujey ah ayaa maanta oo khamiis ah taagan banka carafo iyagoo gudanaya mid ka mid ah tiirarka ugu waaweyn acmaasha xajka.

Tirada xujayda sanadkan ka qeybgalaysa gudashada xajka ayaa lagu sheegay ku dhawaad 10.000 oo xaaji oo dhammaantood ah dad deggan Sacuudiga halka tirada sanadkii hore xajisay lagu sheegay 2.5 Milyan qof.

Xaaji walba ayay boqortooyadu u dhammaystirtay dhammaan agabkii uu u baahnaa sida dharka ay xujaydu ku labbistaan oo ah kuwo la jeermis dilay, dhagaxyada ay xujeydu tuuraan, maryaha sanka iyo afka lagu duubto, sijaayada salaadda iyo dalladaha qorraxda laga dugsado.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay in 70% dadka xajinayaa ay kasoo kala jeedaan jinsiyadaha dunida oo idil halka dadka Sacuudiyaanka ah ay yihiin 30% kuwaa oo ka shaqeynaya hagidda xujeyda, sugidda amniga, gargaarayaal caafimaad iyo wixii la hal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here