Kulanka Sevilla & Barcelona Ee Horyaalka La Liga Oo La Baajiyay, Sabab

0
196

Golaha Sare ee Isboortiga ee Spain ayaa ku dhawaaqay dib u dhigista kulanka Barcelona iyo Seville ee wareegga afaraad ee Horyaalka Spain, kaasoo la filayay inuu dhaco Sabtida, September 11-keeda.

Waxaana jiray khilaaf u dhexeeya Xiriirka Kubadda Cagta Isbaanishka iyo Horyaalka Spain maalmihii la soo dhaafay iyada oo Xiriirka Kubadda Cagta Isbaanishka Ku andacoonaysay in dib loo dhigo kulanka sabab la xidhiidha in xiddigaha ka imanaya qaaradda Koonfurta Ameerika aysan awoodi doonin in ay ciyaaraan kulamada sabab la xidhiidha dib u dhaca ku yimid kulamada is reeb-reebka koobka adduunka.

Laakiin Golaha Sare ee Ciyaaraha ayaa dhinac ka ahaa League -ga waxayna qaateen go’aanka dib loogu dhigay kulankii Barcelona iyo Seville, sidoo kale kulankii Villarreal iyo Deportivo Alaves.

Dib u dhigista kulanka Sevilla iyo Barcelon ayaa ahaa mid adag maadama aan wakhti kale loo heli karin sabab la xidhiidha in ay laabda kooxood todobaadka dambe ciyaari doonaan champions League isla markaas 18 bisha ciyaari doonaan kulan cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here