Kulanka Man City iyo Real Madrid ee Champions League oo dib loo dhigay

0
276

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kulanka lugta labaad wareega 16-ka tartanka UEFA Champions League ee dhax mari lahaa kooxaha Manchester City iyo Real Madrid ayaa dib loo dhigay, sababa la xiriira in markii ugu horreysay cudurka Coronavirus uu ka soo muuqday kooxda ree Spain maanta oo khamiis ah

Kulankan ayaa la ciyaari lahaa toddobaadka soo socda, waxayna balantu aheyd inuu ka qabsoomo garoonka Etihad, laakiin waxaa haaran la shaaciyay in gabi ahaanba dib loo dhigay.

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii maanta oo Arbaco ah shaaca laga qaaday in xiddigaha kooxda Real Madrid la karantiilay mudo labo toddobaad ah, sababa la xiriira in kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Coronavirus uu ka soo muuqday Los Blancos.

Real Madrid ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in ciyaaryahan ka tirsan kooxda kubbadda Koleyga lagu xaqiijiyay inuu ku dhacay cudurka Coronavirus, isla markaana ay jiri doonaan talo soo jeedin caafimaad ee kooxda koowaad ee kubbadda Koleyga iyo kooxda koowaad ee kubadda cagta, sababa la xiriira inay wadaagaan xarumaha.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here