Kulanka Dadweynaha Abaabulka Dakhliga Gudaha KG Oo Lagu qabtay Baydhabo.

0
8

Baydhowy (Raathiyow Arlaathi)Magaalada Baydhab ayaa waxaa Lagu Qabtay kulan loogu hadlayey Abaabulka dakhliga Gudaha, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, kaas oo uu Furey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Koonfur Galbeed oo uu wehelinayay Agaasimaha guud ee Wasaaradda.

Kulanka waxaa diirada lagu saarey dardar gelinta dakhliga Gudaha si isku filnaasho Maaliyadded looga gaaro, Guulaha iyo Caqabadaha jira, Xoojinta wada shaqeynta Ganacsatada iyo Wasaaradda Maaliyadda, dhaqan gelinta Canshuuro cusub si kor loogu qaado dakhliga Gudaha ee Koonfur Galbeed.

Warkung waliba nig haaye Abdyraamang Mohamed Ahmed Oday 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here