Kulan looga hadlaayay wacyigelinta iyo Hormarinta siyaasada gabdhaha oo lagu soo gaba gabeeyay Baydhabo

0
411

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Haweenka kala duwan ee ku nool magaalada baydhabo kulan laba maalmood ah oo ugu socday ayaa waxaa looga hadlaayay sidii haweenka koonfur galbeed ugu qeyb qaadan lahayeen siyaasada iyo qoondaha ay kuleeyihiin barlamaanka labaad ee dowlad goboleedka koonfur galbeed.

Kulankaan ayaa inta uu socday haweenkii kazoo qeyb galay ayaa waxaa lagu baraayay habka wanaagsan ee siyaasada loogu soo dhaxmuuqan lahaa, waxaana kazoo qeyb galay masuulin kasocotay wasaarada haweenka haweenka degmada baydhabo urarada ra`idka bulshada iyo maamulka degmada baydhabo.

Iskuduwaha wasaarada haweenka gobolka baay Marwo saciido waxaa ay ka hadashay muhiimada kulanka uu u leeyahay haweenka waxbarteen ee u baahan in ay kazoo dhaxmuuqdaan siyaasada dalka si ay u helaan xaquuqda ay ku leeyihiin baarlamaanada Dowlada faderaalka soomaaliya iyo kan koonfur galbeed.

Iskuduwe saciido ayaa sheegtay in loo bahan yahay haweenka waxbarteen in ay ka siyaasad aheen ay latartami karaan raga ku jiraan siyaasada.

Halkan Hoose ka Dhageyso 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here