Kulan Looga Hadlaayay dardargalinta Sugida Amniga Oo Lagu Qabtay Muqdisho.

0
153

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa gudoomiyay shir gaar ah oo looga hadlayay dardargalinta sugida Amniga Caasimadda iyo xoojinta isku xirka wada shaqeynta Laamaha Amniga iyo Bulshada.

Shirkaan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir G/sare Macalin Mahdi iyo Taliyaha Qeybta Guud ee NISA G/sare Muxiyadiin Warbac Shadoor, ayaa waxaa warbixin ku saabsan horumarada iyo isbedelka Amniga loogu dhageystay Guddoomiyaasha iyo Saraakiisha qeybta Bartamaha ee Gobolka Banaadir.

Warkung waliba nig haaye Mohamed Aadam Wadani