Kulamada Uu Mohamed Salah Ka Maqnaan Doono Liverpool

0
300

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dhibaatooyinka kooxda Liverpool ayaa sii socota kadib markii xiddiga ugu muhiimsan ee Mohamed Salah laga helay xanuunka Korona xilli uu ku jiray waajibaadka xulka qarankiisa.

Xidhiidhka xulka qaranka Masar ayaa saacado yar ka hor xaqiijiyay in xanuunka Korona laga helay xiddiga Mohamed Salah kadib baadhitaan lagu sameeyay

Mohamed Salah ayaa haatan gali doona karintil ugu yaraan 10 maalin ka hor inta uuna ku soo laaban tababarka kooxdiisa Liverpool.

Arintaas ayaa la macno ah in uu Mohamed Salah seegi doono ugu yaraan laba kulan kulamada kooxdiisa Liverpool ciyaari doonto kadib fasaxa xulalka.

Waxa haatan xaqiiqo ah in uu Mohamed Salah seegi doono kulanka Leicester City ee ay Liverpool Anfield kula ciyaari doonto kadib fasaxa xulalka.

Sidoo kale Mohamed Salah ayay u badantahay in uu seegi doono kulanka Atalanta ee tartanka champions League ee 25 bishan haatan lagu jiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here