Kulamada Semi-Final Koobka Adduunka & Wakhtiga La Ciyaari Doono.

0
134

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Koobka adduunka ayaa maraya wareegyadii gabo-gabada iyada oo ay 4 xul oo kaliya isugu soo hadheen tartanka kadib markii uu muddo soo socday tartanka.

Xulalka France, Morocco, Argentina iyo Croatia ayaa ah xulalka 4-ta ah ee isugu soo hadhay wareega Semi-Final-ka ama 4 dhamaadka koobka adduunka ka socda dalka Qatar.

Kulanka hore ee Semi-final-ka koobka adduunka ayaa dhexmari doona xulalka Argentian iyo Croatia iyada oo kulankaas dhici doono 13 bishan haatan lagu jiro.

Kulanka ayaa dhici doona maalinta Salaasada ah ee soo socota iyada oo xulalka Argentian iyo Croatia ku kala bixi doonaan isla markaas midkood gaadhi doono final-ka koobka adduunka.

Kadib waxa wada ciyaari doona xulalka Morocco Vs France kaas oo dhici doona 14 bishan haatan lagu jiro ee December.

Kulanka ayaa dhici doona maalinta Arbacada iyada oo xulka soo baxa dhamastiri doono Final-ka koobka adduunka Qatar 2022

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here