Kulamada Euro 2020 Ee Maanta La Ciyaari Doono.

0
273

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Waxa maanta bilaaban doona wareega 16-ka tartanka Euro 2020 waxana la ciyaari doona 2 kulan iyada oo maanta la ogaan doono labada kooxood ee ugu horeea ee iska xaadirin doona wareega 8 dhamaadka tartanka.

Xulka Wales ayaa la ciyaari doona xulka Denmark kulan soo gali doona 7:00 Fiidnimo wakhtiga somaliya iyada oo labada xul isha ku hayaan in ay guul gaadhaan kulanka.

Labada xul ayaa doonaya in ay iska xaadiriyaan wareega 8 dhamaadka tartanka Euro 2020 sidoo kale doonaya in ay sii wataan dagaalka ay ugu jiraan tartanka.

Dhanka kale xulka Italy ayaa la ciyaari doona xulka Austria kulan xiiso leh oo ay labada xul fooda is dari doonaan 10:00 Habeenimo wakhtiga Somaliya.

Labada xul ayaa kulanka soo galaya iyaga oo isha ku haya in ay gaadhaan guul ka caawisa in ay iska xaadiriyaan wareega 8 dhamaadka tartanka Euro 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here