Kulamada Euro 2020 Ee Maanta La Ciyaari Doono

0
304

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Waxa maanta la ciyaari doonaa kulamadii ugu dambeeyay wareega 2-aad ee Wareega Group-yada tartanka Euro 2020 iyada oo la daawan doono kulamo xiiso leh.

Kulanka ugu horeeya ayaa ah mida dhexmari doona xulalka Hungary iyo France kaas oo soo gali doona 4:00 Galabnimo Wakhtiga Somaliya mana ahan mid si weyn loo sugayo marka la eego in haatanba la iska ogyahay in uu xulka France ka awood badanyahay dhigiisa Hungary.

Laakiin kulamada sida weyn loo sugayo ayaa bilaaban doona 7:00 Fiidnimo marka ay wada ciyaari doonaan xulalka Portugal iyo Germany kulan ka mid ah kulamada ugu adag tartanka Euro 2020.

Kadib waxa wada ciyaari doona xulalka Spain iyo Poland kaas oo soo gali doona 10:00 waana kulan xiiso gaar ah leh iyada oo labada xulba isha ku hayaan in ay helaan 3-da dhibcood ee kulanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here