Ku dhawaad laba malyan Xujey ah Oo gaaray dalka Sacuudiga.

0
99

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Waaxda baasaboorrada ee Sacuudiga ayaa sheegtay in tan iyo Sabtidii ay dalkaas gaareen ilaa 1,655,188 qof oo doonaya inay gutaan waajibaadka Xajka.

Dadkan ayaa isugu jira kuwo safra dhulka ah ku galay dalkaas iyo kuwo diyaarad ku tagay.
Waaxda ayaa sheegtay in aad la isugu diyaariyay hab maamulka Xajka.

Ilaa labo milyan oo qof ayaa sanadkan loogu talogalay inay gutaan waajibaadka Xajka.
Dowladda Sacuudiga ayaa tirade dadka gudanaya Xajka u qoondeysa dalalka.

Dalka Inodnesia ayaa hela tirade ugu badan, waxaa ku xiga Pakistan, Hindiya, Bangladesh iyo Nigeria.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here