Ku dhawaad 300 oo carruur ah oo lagasoo bad baadiyay Khartoum

0
61

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Ku dhawaad ​​300 oo caruur ah ayaa si nabad ah laga soo badbaadiyay xarun agoon oo ku taal caasimadda Sudan ee Khartoum, sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka.

Waxa ay ku sugnaayeen xarunta agoonta ee Mygoma, halkaas oo in ka badan 70 carruur ah la sheegay in ay gaajo iyo xanuun ugu dhinteen tan iyo markii ay colaadda Suudaan bilaabatay bartamihii bishii April.

Xarunta agoonta ayaa ku taalla meel ka mid ah magaalada halkaas oo ay colaaddu ka jirtay, sida ay sheegtay hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah (ICRC).

Carruurtan oo da’doodu u dhaxayso hal bil ilaa 15 sano jir, ayaa 297-ka carruur ah la geeyey Wad Madani, oo qiyaastii 200km u jirta Khartoum, sida ay sheegtay.

Waxa ay hadda ku sugan yihiin xarun taraansit ah, waxaana hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee Unicef ​​ay sheegtay in ay kala shaqaynayso hay’adaha ay khusayso sidii loo aqoonsan lahaa qoysaska korinta.

“Dhaqdhaqaaqa badbaadada leh ee carruurtan aadka u nugul ee usafraya meel nabdoon waxay siinaysaa iftiin inta lagu jiro colaadda ka socota Suudaan,” ayuu yiri Mandeep O’Brien, oo ah wakiilka Unicef.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here