Koxda Man United Oo Diyaar U ah In ay Juventus Ka Iibiso Paul Pogba.

0
278

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda Man United ayaa doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Juventus ee Aaron Ramsey si ay uga iibiyaan xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Wales ayaa xagaagii Juventus ugu biiray si xor ah laakiin ku dhibaatooday in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo ilaa haatan.

Waxa uu ku bilowday kaliya 9 kulan oo Serie A-da ah ka hor intii aan la joojin Tartanka isaga oo dhaliyay 4 gool caawiyena ka noqday hal gool oo kale.

Wargayska Calciomercato ayaa sheegaya in ay Maamulka Juventus diyaar u yihiin in ay Ramsey u Isticmaalaan soo celinta Paul Pogba dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Pogba ayaa Man United ku soo laabtay 2016 isaga oo kaga soo biiray Juventus uguna yimid kooxda xiddiga ugu qaalisan taariikhda kooxda.

Advertisements

Man Uniteda ayaa La sheegayaa in ay diyaar u yihiin in ay aqbalaan dalab lacag ah iyo waliba xiddiga Aaron Ramsey hadii ay Juventus miiska saarto xagaaga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here