Koxda Chelsea oo Dadaal ugu jirto mid ka mid ah xiddigaha loogu doonista badan yahay suuqa kala iibsiga

0
317

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Naadiga Chelsea ayaa dhexda u xiraneysa inay kala dhantaasho kooxda ay London ku xafiiltamaan ee Arsenal, iyagoo doonaya inay kasoo qaataan kabtankeeda Pierre-Emerick Aubameyang.

Weeraryahanka reer Gabon ayaa u soo dhaqaaqay Emirates bishii January ee 2018, waxaana tan iyo markaas uu ahaa xubin muhiim u ah kooxda waqooyiga London ka dhisan isagoo u dhaliyay 49 gool oo horyaalka Premier League-a ah.

Si kastaba ha ahaatee, Gunners ayaa ka walaacsan in xiddiggan uusan wali qalinka dul dhigin heshiis cusub oo uu ku sii joogayo, xilli ay hal sano ka harsan tahay qandaraaska uu hadda kula jiro, taasoo saldhig u noqotay in lala xiriiriyo ka tagista Arsenal.

Qaab ciyaareedkiisa ku xardhan gooldhalinta ayaa soo jiitay dareenka kooxo dhowr ah oo ka dhisan qaaradda Yurub, sida Real Madrid, Barcelona iyo Manchester United.

Sida ay hadda soo warineyso Bleacher Report, Macallinka Chelsea ee Frank Lampard ii noqday macallinkii ugu dambeeyay ee xiiso u muujiyay laacibkii hore ee Borussia Dormund.

Blues tababaraheeda ayaa dadaal xooggan ugu jira inuu lasoo saxiido weeraryahan la isku halleyn karo, kaasoo awood u leh inuu kooxda ka haqab tiro dhanka gooldhalinta.

Aubameyang ayaa xilli ciyaareedkan 17 gool ka dhaliyay horyaalka Premier League, waxaana uu ka dambeeyaa Jamie Vardy oo hoggaaminaya kala sarraynta gool dhalinta horyaalka.

Chelsea ayaa qalqaalada ku dari doonto inuu laacibka Arsenal ciyaari doono tartanka Champions League, maadaama kooxdiisa aysan hadda u muuqan mid usoo bixi karta.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here