Kooxo dhowr ah oo isku heysta saxiixa xiddig ka tirsan Barcelona.

0
308

Baydhabo (Radio Arlaadi)- Manchester United ayaa kula biirtay kooxaha Tottenham iyo Arsenal tartanka loogu jiro saxiixa laacibka reer France iyo naadiga Barcelona ee Samuel Umtiti.

Samuel Umtiti ayaa xilli ciyaareedkan u ciyaaray kooxda Barcelona 7 kulan oo kaliya, kaddib markii uu horey ula kulmay dhaawacyo ka soo gaaray cagta iyo Jilibka, taasoo ka dhigtay in tababare Valverde uu ku tiirsanaado inta badan xiddigaha Gerard Piqué iyo Lenglet.

Haddaba wargeyska “The Sun” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Barcelona ay albaabada u firi doonto fikrada ah inay iibiso Samuel Umtiti oo haatan 26 jir ah.

Go’aanka la filayo in Barcelona ay ka qaadato Samuel Umtiti ayaa wuxuu imaanayaa kaddib markii uu xiddiga ay isku wadanka ka soo wadajeedaan ee Jean-Clair Todibo uu bandhig fiican ka sameeyay safka kooxda reer Catalonia.

Samuel Umtiti ayaa wuxuu ka heli doonaa dalabyo badan kooxaha ka dhisan Ingiriiska si ay ugu guuleystaan adeegiisa, waxaa la rajeynayaa in dalabka ugu horeeya uu ka imaan doono naadiga Manchester United, kaddib dhaawacii soo gaaray Harry Maguire iyo sidoo kale maqnaanshiyaha Axel Tuanzebe iyo Eric Bailly.

Sidoo kale kooxaha kale ee xiiseynaya inay gacanta ku dhigaan saxiixa Samuel Umtiti ayaa waxaa ka mid ah kuwa ka dhisan magaalada London ee Arsenal iyo Tottenham Hotspur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here