Kooxda Sevilla oo markii 6 aad ee taariikhda ku guuleysatay koobka Europa League kaddib markii ay ka adkaatay Inter Milan

0
254

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda Sevilla ayaa ugu dambeyntii xalay ku guuleysatay koobka UEFA Europa League kaddib markii ay ku garaacday naadiga reer Talyaani ee Inter Milan 3-2, kulankii Finalka ahaa ay ku wada ciyaareen garoonka RheinEnergieSTADION ee dhaca magaalada Cologne ee dalka Germany.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbardhac 2-2 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Sevilla iyo Inter Milan.

Daqiiqadii 5-aad kooxda Inter Milan ayaa heshay rigoore waxaana gool ka dhigay Romelu Lukaku, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 0-1 ay ku hoggaamineysay I Nerazzurri.

Laakiin daqiiqadii 12-aad kooxda Sevilla ayaa heshay goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay Luuk de Jong, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Jesus Navas.

33 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda Sevilla ayaa hoggaanka u qabatay dheesha , waxaana 2-1 ka dhigay Luuk de Jong, waxaana caawinta goolkan lahaa Ever Banega.

Daqiiqadii 36-aad Inter Milan ayaa heshay goolka barbardhaca, waxaana u soo barbareeyay daafacooda reer Uruguay Diego Godin, waxaana caawinta goolkan lahaa Marcelo Brozovic.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 74-aad kooxda Sevilla ayaa markale hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 3-2 ka dhigay Diego Carlos oo gool cajiib ah dhex dhegay shabaqa naadiga reer Talyaani ee Inter Milan.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 3-2 ay kaga adkaatay Sevilla kooxda Inter Milan, waxayna kooxda reer Spain sidaas ku hanatay koobka UEFA Europa League markoodii 6-aad ee taariikhda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here