Kooxda Real Madrid oo meesha ka saartay inay la soo wareegto Harry Kane

0
313

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Sida wararku ay sheegayaan Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa meesha ka saartay inay la soo wareegto Weeraryahan Harry Kane.

Xiddiga xulka qaranka England ayayna u muuqataa inuu ku sii nagaan doono horyaalka uu hadda ka ciyaaro ee English Premier League.

Sida uu warinayo Wargeyska Daily Mail Weeraryahanka Kooxda Tottenham ee Harry Kane ayaa ku biiri doonin Real Madrid xagaagan.

Iyadoo horey heshiisyo ganacsi ay u dhexmareen Real Madrid iyo Spurs oo ay kooxda ka dhisan Spain kala wareegtay Luka Modric 2012 iyo Gareth Bale 2013, Los Blancos wax dan ah kama lahan inay isku dayaan oo ay sugaan adeegga Kane xilli ciyaareedka soo socda.

Tottenham Hotspur FC transfer news: Harry Kane will remain a long ...

Kooxda uu hoggaamiyo macallin Zidane ayaa lagu soo warramayaa inaysan sameynaynin wax saxiixyo waa weyn ah xilli ciyaareedka, waxaana ay isku diyaarinayaan inay ka baxaan saameynta dhaqaale ee Coronavirus.

Arlaadi Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here