Kooxda Real Madrid oo ku dhawaaqday saxiixa David Alaba

0
260

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Real Madrid ayaa ku dhawaaqday inay dhameystirtay saxiixa daafaca reer Austria ee David Alaba oo ka yimid Bayern Munich.

Naadiga reer Spain ayaa war rasmi ah ay soo saartay waxay ku sheegtay:

“Kooxda waxay heshiis la gaartay ciyaaryahanka David Alaba, kaasoo nala sii joogi doona ilaa 5ta xilli ciyaareed ee soo socota.”

“David Alaba waxaa la soo bandhigi doonaa isaga oo ah ciyaaryahan cusub ee Real Madrid ah, kaddib dhamaadka tartanka EURO2020.’

Waxaa xusid mudan in Alaba uu si bilaash ah ugu dhaqaaqay Real Madrid kadib markii uu dhamaaday qandaraaskiisa Bayern Munich, wuxuuna diiday dhammaan dalabyo cusub uu qandaraaska ugu kordhin lahaa Bayern.

David Alaba ayaa ku dhowaad 11 sano la qaatay kooxda koowaad ee Bayern Munich, isagoo kula guuleystay Bundesliga 10 jeer, taasoo ka dhigeysa inuu yahay ciyaaryahanka tiradii ugu badneyd ku guuleystay taariikhda, wuxuuna kala siman yahay Thomas Müller.

Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa goor sii horeysay ku dhawaaqday bixitaanka tababare Zinedine Zidane, iyadoo aan la xalin tababarihii bedeli lahaa, balse waxaa jira magacyada tababarayaal badan oo lala xiriirinayo kursiga uu baneeyay macalinka reer France.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here