Kooxda PSG ayaa 25-sano kaddib iska xaadirisay afar dhammaadka Champions League kaddib guul soo laabasho leh oo ay ka gaareen Atalanta

0
239

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda kubadda cagta PSG ayaa guul soo laabasho ah oo ay ka gaartay Atalanta waxa ay isaga xaadirisay afar dhammaadka tartanka Champions League, markii ugu horreysay tan iyo 1995.

Fursaddii ugu horreysay ciyaarta ee muhiimka ahayd, waxaa heshay kooxda reer France ee Paris Saint-Germain, waxaana ka khasaariyey ciyaaryahanka reer Brazil ee Neymar Jr.

Kylian Mbappe ayaa la arkayey isagoo madaxa gacmaha saaranaya qeybta hore ee ciyaarta, maadaama kooxdiisa oo gool lagu lahaa uu fursad ka lumiyey Neymar Jr, ciyaaryahanka reer France ayaana lagu soo bilaabay kursiga keydka kulanka, maadaama muddooyinkii dhowaa uu dhaawac la maqnaa.

Image

Kooxda Atalanta ayaa goolka la horreysay, waxaana kubbad uu taabashadeedii ugu dambeysay lahaa Duvan Zapata ka helay xerada ganaaxa oo dacal ka galiyey goolka uu ilaalada ka hayey goolhaye Keylor Navas, ciyaaryahan Mario Pasalic daqiiqaddii 27′-aad.

PSG ayaa ku dadaashay inay iska soo celiso goolkaas daynta ah ee lagu lahaa, balse furado uu ka lumiyey Neymar kaddib kulanka waxaa lagu kala nastay 1-0 ay ku gacan sarreysay kooxda reer Talyaani ee Atalanta.

Image

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta kooxda Atalanta ayaa ku dadaalaysay inaan gool laga dhalin oo ay difaacdaan goolkooda, waxaana qaladaadkii ugu badnaa ay ku galeen Neymar, si weyn u shaqeeyey kulanka.

Goolhayaha PSG ee Keylor Navas ayaa dhaawac muruqa ah kaga baxay ciyaarta, 90-daqiiqo ayaana waxa ay ciyaarto ahayd 1-0 ay iska lahayd kooxda reer Talyaani, wixii markaas ka dambeeyeyna waxaa bilaabanatay mucjisada PSG, iyadoo labo gool oo deg deg ah la yimid.

Goolka hore waxaa u dhaliyey 90’daqiiqo Marquinhos kubbad uu caawinteeda lahaa Neymar Jr, waxaana uu ciyaarta ka dhigay garbo siman 1-1.

Labo daqiiqo kaddibna gool kale oo wiilasha PSG ay ka soo shaqeeyeen, dhex ka tuur uu Neymar siiyey Kylian Mbappe, isla markaana wiilka reer France uu bannaanka soo dhigay waxaa u dhaliyey  Eric Maxim Choupo-Moting daqiiqadihii lagu daray ciyaarta, goolkaas ayaana guul u horjeeday kooxda reer France 2-1 ayayna kaga taqaluseen Atalanta.

PSG ayaa Semi-finalka Champions League ka ciyaari doonta kooxdii soo adkaata habeen dambe RasenBallsport Leipzig iyo Atletico Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here