Kooxda Manchester United oo Man City iyo Chelsea kula soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa Ben Chilwell

0
349

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo warinayaa inay Chelsea iyo Manchester City kula biirtay tartanka loogu jiro saxiixa daafaca Leicester City ee Ben Chilwell inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaaga.

Xiddiga xulka qaranka England ayaa la filayaa inuu ka tago kooxda lagu naynaaso Foxes kal ciyaareedka 2020-21, waxaana horay u xiiseynayey adeeggiisa labada kooxood ee Chelsea iyo Man City.

Si kastaba ha noqotee, sida uu warinayo Wargeyska The Sun Man United ayaa haatan diyaar u ah inay saxiixa daafacan garabka bidix kula tartanto kooxaha ay ku xafiiltamaan horyaalka Premier League, iyadoo tababaraha Red Devils ee Ole Gunnar Solskjaer go’aan adag ku qaatay inuu dhiso koox ku guuleysan karta horyaalka Premier League.

23-sano jirkaan ayaa bandhig aan caadi ahayn oo soo jiidasho leh ku sameeyey kooxda uu hoggaamiyo Tababare Brendan Rodgers intii lagu guda jiray xilli ciyaareedkan 2019-20, waxa uu dhaliyey saddex gool isagoo caawiye ka ahaa afar gool oo kale 33 kulan oo uu saftay tartammada oo dhan.

Manchester are ready to battle it out with Manchester City and Chelsea for Ben Chilwell

Kooxda Leicester City ayaa la rumeysan yahay in Chilwell uu ugu qiimeysan yahay oo ay ku rabto in laga siiso adduun dhan 60 milyan oo gini, waana mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican booskiisa horyaalka Premier League.

Daafacan ayaa heshiiskiisa kooxda dawacooyinka lagu naynaaso waxa uu ku eg yahay illaa bisha June ee sanadka 2024-ka, inkastoo kooxdiisa ay doonayso inay sii haysato haddana isaga ayaa raba inuu ku biiro koox weyn oo ka dhisan dalka Ingiriiska.

Luke Shaw ayaa dooqa koowaad ka ah booska daafaca bidix ee kooxda Man United, iyadoo da’yarkii hore ee naadiga Southampton uu muran la’aan wax qabad muuqda ka sameeyey xilli ciyaareedyadiisa Man Utd tan iyo markii uu kooxda ku soo biiray sanadkii 2014-kii, balse macallin Ole ayaa hadda doonaya laacib bedel u noqda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here