Kooxda Ku Guulaysan Karta Premier League Hadii Xanuunka Korona Dartiis Loo Joojiyo Horyaalka Oo La Ogaaday.

0
281

Kooxda Man United ayaa ku guulaysan doonta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan hadii haatan la kansalo xilli ciyaareedka Sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

Red Devils ayaan ku guulaysan horyaalka Premier League tan ilaa 2013 markaas oo ah markii uu ka tagay tababare Sir Alex Ferguson.

Xaqiiqada ayaa ah in xitaa ku dhamaysiga 4-ta boos ee ugu sareeya in ay Man United ku adkayd sanado badna tan ilaa markii uu Ferguson ka fadhiistay ciyaaraha.

Laakin waxa ay haatan fursad u haystaan in ay ku guulaystaan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan marka loo eego qaab ciyaareedkooda kulamadii ugu dambeeyay.

Man United ayaa haatan la dhibco ah Liverpool iyaga oo hal kulan gacanta ku haysta lana ciyaari doona Burnley 12 bishan haatan lagu jiro.

Xitaa hal dhibic ayaa Man United ka caawinaysa in ay hogaanka kali ku noqoto premier League kadib guuldaradii Liverpool ka soo gaadhay Southampton.

Hadii xanuunka Korona dartiis loo joojiyo horyaalka premier League kooxda Man United ayaa ku guulaysan doonta horyaalka halka ay Liverpool kaalinta 2-aad ku dhamaysan doonto.

Kooxaha Man Citty iyo Leicester City ayaa buuxin doonaa boosaka champions League halka ay Chelsea ku dhamaysan doonto kaalinta 9-aad iyo Arsenal oo ku dhamaysan doonta kaalinta 11-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here