Kooxda Fc. Dekadaha oo ku guleysatay koobka Super Cup-ka Soomaaliya.

0
59

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kulankii taariiqiga ahaa u dhaxeeyay naadiyada Gaadiidka iyo Dekadaha kulankooda Finalaha Koobka Super Cup-ka ayaa galabtaan lagu soo gaba-gabeeyay garoonka kubadda cagta Dr, Ayuub ee magaalada Baydhabo.

Kulanka oo ahaa mid xiiso leh ayaa waxaa ka soo qeyb galay xiriirka kubadda cagta Soomaaliya iyo KGS, waxaana sidoo kale goobjoog ahaa mas’uulin ka tirsan maamulka degmada Baydhabo, guddiyada ciyaaraha iyo bahda ciyaaraha magaalada Baydhabo oo kulankaan daawashadiisa xiiso u lahaa.

Labada naadi ayaa soo bandhiggeen ciyaar aad u qurux badan, weerar iyo weerar celis iyadoo labada naadiba raadinayeen Goolal ay ciyaarta ku dilaan.

Kulan oo laga filaayay in ay ka dhashaan goolal aan badneen madaama finaal uu yahay ayaa labada koox waxay iska dhaliyeen 5 gool taasi oo uga dhigan tahay in kooxaha ay sameynayeen weeraro badan.

Ugu dambeyn kooxda Dekadaha ayaa ku guuleysatay koobka Super Cup-ka Soomaaliya waxayna ku adkaatay 3-2 waxaana garoonka lagu gudoonsiyay koobka iyo biladooyin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here