Kooxda Borussia Dortmund Oo Niyadda Ka Jibisay Haaland.

0
266

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kooxda Borussia Dortmund ayaa  muuqata mid ka sii rajo dhigeysa in ay sii haystaan weeraryahankooda Haaland

Haaland ayaa si weyn looga doonayaa suuqa kala iibsiga  qaaradda Yurub waxaana loo badinayaa in uu bixi doono xagaaga soo socda.

Agaasimaha kooxdaas ee Watzke ayaa ku dooday in kooxda ay xagaaga heli karto xiddig tayo leh sida Haaland haddii wiilkaas reer Denmark kooxda uu ka huleelo

Halaand ayaa xagaaga lagu heli karaa lacag dhan 67 milyan oo euro waxaana la xusayaa in City tahay kooxda ugu cad saxiixa Haaland

Watzke waxa uu tillmaamay in weli aysan jirrin koox si toos ugu timid marka laga yimaad xiisaha dhanka warbaahinta laga soo xiganayo mooyee ayna kooxdiisa diyaar u tahay in ay dhageystaan dalabyada haddii laacibka dhankiisa diyaar yahay

Haaland ayaa kooxdaas reer Jarmal u dhaliyay 80 gool ka dib 82 kulan dhamaan tartamada tan iyo markii uu kooxdaas uu u yimid halka 21 caawinna uu sameeyay

Si waliba oo ay ahaato Real Madrid ayaa iyana qeyb ka ah xiisaha loo qabo Haaland kaasi oo ay u baadi goobeen suuqii jiilaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here