Kooxda Bayern Munich oo siddeed gool uga badisay Barcelona

0
381

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa xalay kabaha la dulmartay Barcelona oo ay ku garaacday 8-2 kulan qeyb ka ahaa siddeed dhammaadka Champions League, xilli kulankan uu kooxda reer Spain is baray Philippe Coutinho oo bedel ku soo galay.

Waxaa goolasha la horreysay kooxda Bayern Munich, waxaana daqiiqaddii 4-aad shabaqa soo taabtay Thomas Mueller kaddib caawin uu ka helay Lewandowski, laakiin waxaa xigay in xiddigooda David Alaba uu 7’daqiiqo marka ay ciyaartu maraysay gool iska dhaliyey kaddib karsoo dadab laga soo qaaday kulanka ayaana sidaas ku noqday barbaro 1-1.

Ivan Perisic ayaa hoggaanka u soo celiyey kooxdiisa Bayern Munich, waxaana uu shabaqa gaarsiiyey kubbad awood leh oo ku sii dhacday lugta goolhayaha Barcelona daqiiqaddii 22-aad, waxaana uu kulanka sidaas ku noqday 2-1 looga gacan sarreeyey Barca.

Markale 28’daqiiqo ciyaarta oo soconaysa Bayern Munich ayaa hoggaanka sii dheereysatay waxaana kooxda reer Spain markale ugu shubay Serge Gnabry natiijada ciyaarta ayaana isku bedeshay 3-1 oo lagu horkacayey Barcelona.

Thomas Mueller ayaa markale shabaqa soo taabtay waxaana uu sidaas ku dhaliyey goolkiisii labaad ee kulankan kaddib markii uu ka faa’iideystay karoos la soo qaaday 31’daqiiqo kulanka ayuuna ka dhigay 4-1 oo ay hoggaanka ku haysay kooxdiisa reer Jarmal.

Kulankan oo ahaa mid shan gool la iska dhaliyey ayaana qeybtii hore lagu kala nastay 4-1, natiijadaas oo ahayd mid aan qofina saadaalinayn inay lagu kala mari doono 45’daqiiqo ee hore.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay, Barcelona ayaa indhaha kala furtay oo hal gool iska soo celisay waxaana goolkoodii labaad ee kulankan u dhaliyey 57’daqiiqo Luis Suarez, kaddib baas uu ka helay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here