Kooxda Bayern Munich oo la xiriirtay wakiilada Roberto Firmino

0
307

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Bayern Munich ayaa la xiriirtay wakiilada Roberto Firmino si ay ugala hadlaan suurtogalnimada xagaaga ugu dhaqaaqi karan weeraryahanka Liverpool, sida laga soo xigtay khabiirka suuqa kala iibsiga Ian McGarry.

Horaantii bishaan, waxaa la sheegay in Bayern ay dalab 75 milyan oo ginni ah ka gudbineyso Firmino iyagoo u aqoonsaday xiddiga reer Brazil bartilmaameedka suuqa kala iibsiga soo socda.

McGarry ayaa cadeeyay in kooxda heysata horyaalka Bundesliga inay haatan la xiriirtay ciyaaryahan Firmino si ay u ogaato inuu 28 jirkaani xiiseynayo inuu u dhaqaaqo Munich.

“Waxaan si sax ah oo joogto ah u sheegnay in Timo Werner uu ku biirayo Liverpool sida la  aaminsanyahay xagaagan,” McCarry ayaa u sheegay Transfer Window Podcast.

“Ma soo sheegi karo wax kasta oo aan u maleynayo in wax laga beddelayo, in kasta oo war xiise leh ay tahay in wakiillada Roberto Firmino ay la xiriireen Bayern Munich 10-kii maalmood ee la soo dhaafay iyadoo laga hadlayo ‘ma jeclaan lahaa inuu ka tago Anfield?”

Miyaad xiiseynaysaa inuu ku laabto Bundesliga? Miyaad xiisaynaysaa inuu qayb ka noqdo dib u dhiska Bayern? Dabcan waxay qorsheynayeen ilaa bilowgii xilli ciyaareedkii hore, Firmino ayaa laga yaabaa inuu ku haboon yahay sidoo kale badalka Robert Lewandowski oo laga yaabo inuu u dhaqaaqo MLS xagaaga.

Firmino, oo qandaraas kula jooga Anfield wuxuu dhacaya xagaaga 2023, isago  dhaliyay 10 gool wuxuuna caawiyay 12 gool kale, 39 kulan oo uu u saftay kooxda uu hoggaamiyo Jurgen Klopp xilli ciyaareedkan.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here