Kooxda Arsenal oo shaacisay Lambarrada ay u xiran doonaan saxiixyadeeda cusub ee Cedric Soares & Pablo Mari

0
442

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa si rasmi ah u xaqiijisay lambarrada ay u qaadan doonaan saxiixyadeeda cusub ee Pablo Mari iyo midka ay maanta ku dhawaaqday inay la wareegtay ee Cedric Soares.

Gunners waxa ay xaqiijisay inay laacibkii ay maanta ku dhawaaqday inay soo xero-gelisay ee Cedric Soares uu u qaadan doono maaliyadda lambarka 17-aad, halka Pablo Mari uu Arsenal u xiran doono lambarka 22-aad.

 

Arsenal ayaa dhammaystirtay saxiixa Cedric Soares kaasoo ay kala soo wareegeen Southampton, daafacan garabka midig ayaana heshiis amaah ah ugu soo dhaqaaqay Emirates illaa dhammadka xilli ciyaareedka.

Marka uu heshiiskiisa Saints ka dhammaado, Kooxda Arsenal ayaa qiyaar u haysata inay xiddigan xulka qaranka Portugal si joogto ah ula wareegto. isla markaana ay ka saxiixato heshiis afar sanadood ah.

Sidoo kale kooxda Arsenal ayaa la saxiixatay Pablo Mari, daafacaan oo ay isagana amaah kaga soo qaateen Naadiga Flamengo ayaa noqday saxiixii ugu horreeyey ee Tababare Arteta, waxaana ay qiyaar u haystaan inay wada iibsan karaan.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here