Kooxda Arsenal oo sameysay saxiixeeda ugu horreeyay ee bisha Janaayo

0
354

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa daafaca reer Spain ee Pablo Marí.

Gunners ayaa war rasmi ah ay ku shaacisay website-keeda rasmiga ah waxay ku xaqiijisay inay kala soo saxiixatay kooxda Flamengo xiddiga reer Spain ee Pablo Marí.

Kooxda ka dhisan waqooyiga magaalada London ee Arsenal ayaa 26 jirkan ku soo qaaday qaab amaah ah ee inta ka dhiman xilli ciyaareedkan, iyadoo dooq u heysata in ay si toos ah u wada iibsan karto kaddib dhamaadka mudada heshiiskan.

Pablo Marie ayaa soo jiidatay dareenka kooxaha kubadda cagta ee caalamka oo dhan xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, kaddib markii awoodiisa ciyaareed ee dhanka daafaca uu ku ku muujiyay kooxda Flamengo.

Pablo Marí ayaa ka caawiyay kooxdiisa reer Brazil ee Flamengo inay ku guuleysato koobka horyaalka kubadda cagta ee dalka Brazil iyo koobka maxaliga ah ee Libertadores.

Laacibka reer Spain ee Pablo Marí ayaa noqday heshiiskii ugu horreeyay ee kooxda Arsenal uu hoggaaminayo macalin Mikel Arteta, iyadoo ay kooxda bixin doonto qiimo dhan 4 milyan oo ginni oo ah heshiiska haatan ee amaahda ah, halka 8 milyan ay kaga bixi doonto haddii ay dhacdo in heshiiska uu noqdo mid joogta ah.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here