Kooxda Arsenal oo ku soo adkaatay garoonka Old Trafford muddo 14 sano ah kaddib

0
297

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda Arsenal ayaa ku soo adkaatay garoonka Old Trafford mudo 14 ah sano kaddib, kaddib markii ay Manchester United kaga soo adkaatay 0-1, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbardhac 0-0 ah maadaama labada kooxood ay u ciyaarayeen si taxadir leh.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 69-aad kooxda Arsenal ayaa heshay rigoore waxaana gool u badelay Pierre-Emerick Aubameyang, ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay 0-1 ay ku hoggaamineysay Gunners.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 0-1 ay kaga soo adkaatay Arsenal kooxda Manchester United oo ay ku booqatay Old Trafford, Gunners ayaana soo afjartay inkaarta ka heysatay garoonkan, tan iyo 2006-dii.kulan horyaalka Premier League ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here