Kooxda Arsenal oo ku jirta rikoorkeedii guuldarro la’aanta ee ugu dheeraa horyaalka xilli ciyaareedkan

0
270

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la soo sheegaayaa inay ku jirto rikoorkeedii guuldarro la’aanta ee ugu dheeraa horyaalka kal ciyaareedkan, iyadoo wax ku dhow toban kulan aan dhinaceeda dhulka la dhigin.

Arsenal ayaa guuldarro la’aan ah (unbeaten) todobadeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka Premier league, waxaana ay haysataa 3 guul iyo 4 barbaro.

Waa guuldarro la’aantii ugu dheereyd oo ay horyaalka Premier League ka sameyso Gunners xilli ciyaareedkan, iyadoo aan dhinaceeda dhulka la barin muddo 7 kulan ah.

Kooxda reer London Arsenal ayaa maqribnimada maanta waxa ay garoonkeeda ku soo dhoweynaysaa naadiga ay isku magaalada ka dhisan yihiin ee West Ham United, marka ay saacadda geeska Afrika tahay 6:00 Maqribnimo.

Gunners ayaa haatan fadhisa kaalinta 10-aad ee kala horreynta horyaalka Premier League, waxaana ay shan dhibcood u jirtaa kooxda Man United oo ku jirta kaalinta shanaad.

Markii ugu dambeysay oo Arsenal la garaaco kulan horyaalka Premier League ah waxa ay ahayd todobo kulan ka hor markii ay garoonkeeda Emirates ku garaacday kooxda ay isku magaalada ka dhisan yihiin ee Chelsea oo uga adkaatay 2-1, markaasoo ay taariikhdu ahayd 29 bishii December sanadkii 2019.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here