Kooxda Arsenal oo go’aamisay mustaqbalka Pierre-Emerick Aubameyang

0
301

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Wargeyska “The Sun” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in xiddiga reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang uu sii joogi doono Arsenal ilaa iyo uu ka dhamaanayo Qandaraashkiisa Gunners.

Pierre-Emerick Aubameyang oo 30 jir ah ayaa magaciisa lala xiriirinayey inuu ka tagayo Arsenal xagaagan, waxaana xiiso uu ka helay kooxda Barcelona.

Qandaraaska Pierre-Emerick Aubameyang ee kooxda Arsenal ayaa dhici doona xagaaga 2021, wuxuuna iska diiday inuu saxiixo heshiis cusub, sidaasi darteed waxaa la filayaa inuu xagaagan ka tago garoonka Emirates Stadium.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in Gunners ay diyaar u tahay in laacibkeedan ay ku fasaxdo beeca xurta ah, haddii ay dhacdo in kooxda aysan helin dalabyo la aqbali karo oo ay ku iibiso xagaagan.

Wargeyska oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sheegay in Arsenal ay ugu yaraan ku iibineyso Aubameyang 20 million pound, haddii kooxdu ay ku guul darreysato inay hesho dalab ku habboon, wuxuu ka tegayaa ciyaaryahanka marka uu qandaraaskiisu dhamaado xagaaga 2021.

Waxaa xusid mudan in Pierre-Emerick Aubameyang uu xilli ciyaareedkaan ka qeyb qaatay kooxda Arsenal ilaa iyo 32 kulan, wuxuuna dhaliyay 20 gool, halka sidoo kale uu caawiyay kuwo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here