Kooxaha Ugu Qiimaha Badan Yurub Oo La Soo Saaray

0
615

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda Real Madrid ayaa wali sii haysata booskeeda 1-aad ugu horaysa ee Liiska 10-ka kooxood ee ugu qiimaha badan yurub kubada cagta xilli ay Liverpool si xawli ah ku socoto.

Los Blancos ayaa lagu qiimeeyaa lacag dhan 2.95 bilyan iyaaga oo 1.5% kor u kac sameeyay 12-kii bilood ee ugu dambeeyay.

Laakiin Liverpool oo bishii June ee la soo dhaafay ku guulaystay champions League ayaa samaysay kor u kac dhan 19.3% iyada oo haatan lagu qiimeeyo 2.26 bilyan.

Waxa ay la macno tahay in ay Hogaamiyayaasha Premier Legaue ka hor mareen kooxaha Man CIty iyo Chelsea oo khasaare la kulmay.

City ayaa hoos u dhacday lacag lagu qiimeeyay 0.3% halka Blues Hoos u dhacday lacag lagu qiimeeyay 6.3% 12-kii bilood ee ugu dambeeyay.

Kooxda Man United ayaa wali leh awood dhanka qiimaynta ah iyada oo ku kala dhex jirta kooxaha reer Spain ee Real Madrid iyo Barcelona

Kooxda Bayern Munich ayaa ku jirta kaalinta 4-aad iyada oo lahu qiimeeyay isla sidii sanadkii hore Waxalagu qiimeeyaa 2.44 bilyan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here