Kooxaha Real Madrid iyo Sevilla oo dhibcaha ku qeybsaday garoonka Alfredo Di Stefano

0
306

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxaha Real Madrid iyo Sevilla ayaa dhibcaha ku qeybsaday garoonka Alfredo Di Stefano, kaddib markii ay ku kala baxeen bar-bardhac 2-2 ah, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Sevilla

Daqiiqadii 22 –aad Sevilla ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay Fernando, kaddib markii uu caawinta goolkan lahaa Ivan Rakitic.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

67 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda Real Madrid ayaa dhalisay goolka bar-bardhaca waxaana 1-1 ka dhigay Marco Asensio oo caawinta goolkan ay kaga timid saaxiibkiis Toni Kroos.

Laakiin daqiiqadii 78-aaad Sevilla ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay oo 1-2 ka dhigay ciyaarta Ivan Rakitic.

90+4 daqiiqo kooxda Real Madrid ayaa dhalisay goolka bar-bardhaca, waxaana 2-2 ka dhigay dheesha Toni Kroos.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-bardhac 2-2 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Real Madrid iyo Sevilla, kaddib ciyaar aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Alfredo Di Stefano, Los Blancos ayaa ku jirta booska labaad ee kala sareynta horyaalka La Liga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here