Kooxaha Premier League Oo Talaabo Muhiim Ah U Qaaday Dib U Bilaabista Premier League.

0
276

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Maamulka Premier League ayaa si Rasmi ah warbixin u soo saaray kadib markii ay kooxaha premier League qaateen shir socday muddo saacado ah.

Maamulka Premier League ayaa shir la qaatay 20-ka kooxood ee premier League waxana ay kooxuhu u codeeyeen in ay si Rasmi ah dib ugu bilowdaan tababarka buuxa ee xiddigaha taas oo la macno ah in talaabo kale loo qaaday dib u bilaabista premier League xilli ciyaareedkan.

Xiddigaha kooxaha premier League ayaa haatan tababarka u qaadan doona sidii caadiga ahayd iyaga oo loolan ku gali doona kubada inta lagu jiro tababarka iyaga oo iska ilaalin doona xaaladaha aan muhiimka ahayn.

Wajigan oo ah midkii 2-aad ayaa la isku raacay kadib markii ay ogolaadeen kooxaha, xiddigaha, Tababarayaasha iyo waliba dowlada UK kuwaas oo dhamaantood ku jiray shirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here