Kooxaha Manchester City iyo Liverpool oo bareejo galay

0
305

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxaha Manchester City iyo Liverpool ayaa isku garabdhacay, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 1-1 ah kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbardhac 1-1 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Manchester City iyo Liverpool.

Daqiiqadii 13-aad kooxda Liverpool ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay Mohamed Salah.

Laakiin daqiiqadii 31-aad Manchester City ayaa la dhalisay goolka barbardhaca, waxaana 1-1 ka dhigay xiddiga reer Brazil ee Gabriel Jesus, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Kevin De Bruyne.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Liverpool ayaa la kulantay niyadjab kale kaddib markii uu dhaawac soo gaaray daafac kaloo muhiim.

Wuxuu ahaa Trent Alexander-Arnold kaasoo u muuqday inuu soo gaaray dhaawac dhanka muruqa ah, waxaana lagu badalay James Milner.

Balse ugu dambeyntii kulankii adkaa ayaa ku soo dhamaatay barbardhac 1-1 ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Manchester City iyo Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here