Kooxaha Lacagta Ugu Badan Suuqa Galiyay Premier League Xagaagan.

0
85

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxaha premier League ayaa sii wada wacdarihii ay ka dhigayeen suuqa kala iibsiga xagaaga iyaga oo suuqa galiyay lacag waali ah.

Kooxda chelsea ayaa ah kooxda ilaa haatan ka yaabsatay kooxaha kale ee premier League iyaga oo ah kooxda lacagta ugu badan galiyay suuqa.

Cheslsea ayaa 115 milyan ku dhamaystirtay saxiixa xiddiga Moises Caicedo kaas oo ay ku garaaceen kooxda Liverpool.

Blues ayaa suuqa galisay lacag dhan 285.9 milyan euro ilaa haatan iyaga oo si weyn lacag u galiyay suuqa xagaaga.

Waxa ku xigta kooxda Arsenal kuwaas oo suuqa galiyay lacag dhan 208 milyan oo euro kadib 3 saxiix oo ay sameeyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here