Kooxaha Lacagta Ugu Badan Suuqa Galiyay Premier League Ilaa Haatan Suuqa Xagaaga.

0
184

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa kaliya furnaa muddo bil ka yar laakiin kooxaha premier League ayaa durba suuqa si fiican u galay iyaga oo doonaya in ay xoojiyaan kooxohooda.

Kooxaha premier League ayaa doonaya in ay sameeyaan saxiixyada ay aaminsanyihiin in ay xoojin doonaan kooxooda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Kooxda Tottenham ayaa ilaa haatan ah kooxda lacagta ugu badan galisay suuqa xagaaga iyaga oo sameeyay 4 saxiix isla markaas kula soo saxiixday lacag dhan 95 milyan oo euro

Liverpool ayaa ah kooxda ku xigta iyaga oo sameeyay 3 saxiix kulana soo wareegay lacag dhan 91.5 milyan euro halka ay Man City suuqa galisay 51.1 milyan isla markaas la soo saxiixday 2 xiddig.

Kooxda Leeds United oo la soo saxiixatay 3 xiddig ayaa suuqa galisay 45 milyan euro halka ay Arsenal oo samaysay 3 saxiix suuqa galisay lacag dhan 44.5 milyan euro.

Aston Villa oo samaysay 4 saxiix ayaa iyaduna suuqa galisay lacag dhan 43 milyan oo euro waana kooxda 6-aad ee lacagta ugu badan galisay suuqa premier League.

Kooxda.com ayaa xusaysa in ay lacagta hoos ku xusan ku jiraan lacagaha gunooyinka ah ee lagu daro saxiixyada marka la dhamaystirayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here