Kooxaha Iska Xaadiriyay Wareega 8 Dhamaadka Champions League Oo Dhamaystirmay.

0
395

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Waxa si Rasmi ah lo soo afjaray wareega 16-ka champions Leageu kadib kulamo xiiso leh oo ay isku soo arkeen kooxihii ka soo baxay wareega Group-yada tartanka xilli ciyaareedkan.

Waxa isku soo hadhay 8 kooxood kuwaas oo u tartami doona kulamada hadhay ee tartanka champions league xilli ciyaareedkan.

8-da kooxood ee isugu oo hadhay wareega 8 dhamaadka champions league ayaa ah kuwo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay labadii lugood ee ay ciyaaree tartanka.

Kooxahan ayaa haatan sugaya isku aadka maalinta jimcaha dhici doona si ay u ogaadaan kooxaha ay ku aadi doonaan wareega xiga ee tartanka ugu xiisaha badan yurub.

Shaki la’aan kulamada ka soo bixi doona wareega 8 dhamaadka ayaa noqon doona kuwo si weyn xiiso u lahaan doona marka loo eego in ay kooxaha isugu soo hadhay yihiin kooxo wacdaro dhigay ilaa haatan tartanka.

Halkan hoose Kaga Bogo Liiska 8-da Kooxood ee Iska Xaadiriyay wareega 8 dhamaadka champions League:

Bayern Munich
Borussia Dortmund
Chelsea
Liverpool
Man City
Real Madrid
PSG
Fc Porto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here