Kooxaha Ilaa Haatan Iska Xaadiriyay Semi-final-ka tartanka Koobka Africa.

0
81

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Xulalka Nigeria iyo DR Congo ayaa iska xaadiriyay Semi-final-ka koobka Africa.

Xulka Nigeria ayaa si diqi ah uga badiyay xulka Angola waxana ay iska xaadiriyeen Semi-final-ka tartanka.

Dhinaca kale xulka DR Congo ayaa garaacay xulka Guinea waxana ay iska xaadiriyeen semi-final-ka tartanka.

Sidaas darteed labada xul ee Nigeria iyo DR Congo ayaa haatanba noqday labada xul ee ugu horeeya ee ciyaari doona Semi-final-ka tartanka.

Labada xul ayaa sugaya in ay ogaadaan xulalka ay la ciyaari doonaan wareega Semi-final-ka tartanka koobka Africa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here