Kooxaha heerka kowaad KGS oo lagu wareejiyey agab sports oo dhameystiran

0
323

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Wazaarada Dhalinyarada iyo ciyaaraha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed oo Kaashaneysa xiriirka Kubada cagta soomaaliya iyo kan Koonfur Galbeed ayaa kooxaha heerka kowaad KGS ku wareejisey agab sports oo dhameystiran oo ay kaga qeyb galayaan horyaalka Kubada Cagta Koonfur Galbeed.

Wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha Mudane Cali Maxamed Cali (Dhuux) ayaa gadoonsiiyey Maamulka kooxaha Fc Gaadiidka, Fc Baaysoom, Fc sheikh Asharow, Fc Baidoa, Fc Horseed iyo Fc Howl wadaag agabkan sportska.

sidoo kale waxa uu ka qeyb galay furitaanka horyaalka oo ay ka qeyb galayaan lix kooxood oo kulamo is arag ah cayaaraya

Wasiirka ayaa uga mahad celiyey Xiriirka kubada cagta soomaaliyeed iyo wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha DFS doorkooda ku aadan hormarinta sportska konfur galbeed.

 

Arlaadi Radio

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here